Dagaal ka dhacay Gobolka Bay

Baydhabo (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo Kuwa Maleeshiyada Al-shabaab ayaa 2-dii Maalin ee ugu dabeysay ku Dagaalamay Deegaano ka tirsan Degmada Bardaale, dagaalkaasi oo geystay qasaare xoogan.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka oo ay Ciidamada Dowladda Soomaalia  ku qaadeen Fariisomo Shabaabku ay ku leeyihiin Deegaano hoos yimaada Bardaale ayaa waxaa  uu geystay qasaare soo kale gaaray Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo Maleeshiyada Al-shabaab Al-qaa’ida.

Care Case waa Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee gobolka Baay waxaa uu Keydmedia u sheegay in ay Al-shabaab  ka dileen 9 Dagaalyahan, dhankoodana Saddex Askari looga dilay.

Gudoomiyaha ayaa farta ku goday in ay wadayaan Dagaalka Al-shabaab ilaa ay ka xoreenayaan goobaha ay ka joogaan Gobolka Baay.

Dagaalkan u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku soo Noq noqday Degaano ka tirsan Gobolka Bay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.