Dagaalkii Canfarta iyo Soomaalida oo mar kale dib u billowday

Dagaal ay dad badani ku dhinteen oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa wuxuu ka dhacayay deegaan ay ku badan yihiin Soomaalida oo ka tirsan dhulka Dowlad Degaanka Soomaalida 

Warar Keydmedia Online

JIGJIGA, Itoobiya - Dagaalkii udhaxeeyay Canfarta iyo Soomaalida ayaa maanta markale dib uga qarxay deegaankii hore ee la isku dagaalay oo ku yaal xadka labada maamul ee kan Canfata iyo Soomaalida. 

Saraakiil amni ayaa ii xaqiijiyey in saaka ilaa imika uu dagaal adagi ka socdo tuulada Tareena, khasaaraha dagaalka ayaa la sheegayaa in 14 qof ay ku dhaawacmeen dagaalka dhinaca Soomaalida, halka laba kale ay ku dhinteen oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Khasaaraha dhinaca Canfarta weli xog rasmi ah lagama hayo, inkasta oo uu dagaalku ahaa mid qaraar waxa suurto gal ah in uu jiro khasaaro xooggan oo labada dhinac ah. Dhawaan ayey ahayd markii heshiis laga gaaray dagaalka udhaxeeya labada qowmiyadood ee kawada tirsan federaalka Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.