Maxay tahay aafada laga dhaxlay Dagaalkii Guriceel?

Dagaalka markii uu dhamaadey ma jirin miino baaris la sameeyay, waxaana loo faxay shacabka inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay aafada laga dhaxlay Dagaalkii Guriceel?

GURICEEL, Soomaaliya - Dagaalkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Guriceel, waxay dadka degaanka ka dhaxleen aafo xanuun badan, oo wali khatarteeda muuqata.

Saddex Carruur ah, oo kasoo jeeda hal qoys ayaa Maanta ku dhintay walxo qarxa oo ay garaacayeen, iyagoo ku ciyaarayay. Waxay dhacdadan ka dhacday Xaafadda Jaamacadda.

Hal canug oo kale ayaa dhaawac kasoo gaarey qaraxa, oo la sheegay inuu ka dhashay xabada Qoriga Sebanka [RPG] loo yaqaano, taasoo wadada looga tagey kadib dagaalka.

Colaadda markii ay dhamaatey ma jirin miino baaris la sameeyay, waxaana loo faxay shacabkii qaxay ee duleedka ku sugnaa inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Waa mas'uuliyad ay ahayd inay Galmudug kasoo baxdo, oo hubiyo badqabka shacabkeeda, maadaama goob dagaal wax walba laga filan karo, oo Ciidanka dhulka ku aasaan miinooyin.

Guriceel saddex maalin oo dagaal ah ayaa soo marey oo 120 lagu dilay, waxaana colaadda joogsatay markii Ahlu Sunna isaga baxeen, iyagoo fulinaya dalabka Ganacsatada degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.