Dagaalo iyo Duqeymo Khasaare Gaystay oo kadhacay Muqdisho.

Muqdisho (keydmedia.net) - Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo xalay ilaa caawa ka dhacayey magaalada Muqdisho kuwaasi oo ey dhexmareen Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo garab ah iyo Ciidamada Ahxmed Godane.
Warar Keydmedia Online

Sida laga soo xigtay xarumaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho iyo Saraakiisha gadiidka gurmadka deg dega ah ku dhowaad 21 qofood ayaa ku geeriyootay in badan 25 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalada xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaaladaas oo ilaa caawa fiidkii soo gaaray, labadana dhinacna ay adeegsanayaan nuucyada kale duwan ee hubka, ayaa la garaneyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Dagaalada ka socda Muqdisho, ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ra’isal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo uu sheegay in uu xal u raadin doono dagaalada joogtada ka noqday Muqdisho.

Yaa ka Mas

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.