Dani iyo Laftagareen oo duullaan ku ah Xasan Sheekh

Xilliga kulankaas dhacayay Cabdicasiis Laftagareen wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho, hayeeshee, saacado kadib markii uu Siciid Dani u xaqiijiyay in Xasan Sheekh uusan raalli ka ahayn muddo kordhin ayuu Madaxweynaha KGS ka degay magaalada Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
Dani iyo Laftagareen oo duullaan ku ah Xasan Sheekh

GAROWE, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa isku diyaarinaya is-baheysi siyaasadeed oo ay ku mucaaradayaan Dowladda Federaalka.

Laftagareen ayaa saacadaha soo socda la filayaa inuu gaaro magaalada Garowe, halkaasoo uu kula kulmi doono Siciid Dani, ka hor inta aysan labadoodu wadajir ugu socdaalin caasimadda Itoobiya ee Addis ababa oo ay kula kulmi doonaan saraakiil Itoobiyaan ah.

Xogo loo qaateen ah oo soo gaaray warqabadka Keydmedia Online ayaa sheegaya in kulankii isniintii la soo dhaafay dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Siciid Dini aan hal qodob la isku fahmin, taas oo sababtay in aan xogta kulankaas la faafin.

Qodobbada uu Deni miiska saaray waxaa qeyb ka ahaa in Xasan Sheekh uu siyaasiyiinta ka soo jeedda KGS ku amro in ay culeyska ka dhaafaan Laftagareen kaasoo maalmo yar uga harsan tahay muddo xileedkiisa sharciga ah, hayeeshee ku darsaday sanad sharci darro ah.

Xilliga kulankaas dhacayay Cabdicasiis Laftagareen wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho, hayeeshee, saacado kadib markii uu Siciid Dani u xaqiijiyay in Xasan Sheekh uusan raalli ka ahayn muddo kordhin ayuu Madaxweynaha KGS ka degay magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo dhankiisa dhawaan saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Baydhabo laga celin doono siyaasiyiin uu ku tilmaamay in ay muucaarad ku yihiin Laftagareen.

Deni iyo Laftagareen waxa ay doonayaan in ay hayaan xilalka ugu sarreeya maamuladaas inta laga gaarayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2026, Laftagareen waxaa arrinkaas ka gacan siinaya Itoobiya halka Dani uu boob isku dayi doono.

Ma cadda go’aanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka qaadan doono is-baheysiga Deni iyo Laftagareen oo garab ka helaya Addis ababa, xilli la saadaalinayo in wixii ka danbeeya todobaadka soo socda ay xoogeystaan xiisadaha siyaasadeed ee Koofur galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.