Deeq ka timid Imaaraadka Carabta oo soo gaartay Muqdisho

Deeq gargaar ah oo ay Imaaraadku ku taageerayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa maanta soo gaartay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Deeq ka timid Imaaraadka Carabta oo soo gaartay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Markab ay leedahay dowlada Imaaraadka oo sida raashin dhan kun tan ayaa barqanimadii maanta ku soo xirtay dekadda Muqdisho.

Gargaarkan oo ay la wareegeen dowlada Soomaaliya, ayaa loogu tala galay in la gaarsiiyo dad tiradoodu gaareyso 2.5 milyan, oo ka mid ah Soomaalida ay sida daran abaartu u saameysay.

Haddii aan la masuq maasuqin, qeybinta gargaarkan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona gurmadka loo fidinayo dadka taabaaleysan.

Waa gurmadkii labaad ee ay Imaaraadku ku taageerayaan dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyagoo hore u keenay deeq raashin ah oo gaareysay 572 tan.

Abaaraha dalka ka jira ayaa maraya meel halis ah, waxaana badanaya dadka abaaraha ka soo barakacaya, iyadoo ilaa iyo iminkana aan la heynin gargaar ku filan dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.