Deg deg: Fiqi oo iska casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug

Wasiirka Amniga Galmudug, ayaa shaaciyey inuu banneeyay xilkaas, kadib markii isaga iyo Madaxweyne Qoorqoor isku fahmi waayeen habka maareynayo xarasadaha amni ee ka aloosan maamulka.

Warar Keydmedia Online
Deg deg: Fiqi oo iska casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug

DUUSAMAREEB, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa daqiiqado ka hore ku dhawaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii isaga iyo Madaxweynaha Dowlada goboleedka Axmed Cabdi Kaarire (Qoorqoor) isku fahmi waayeen habka loo wajahayo koox diimeedka Ahlu-sunna, (ASWJ) oo jimcihii hore la wareygtay gacan ku heynta magaalada Gurceel.

Wasiir Fiqi, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu doortay jidka dagaalka, isla-markaana uu Dhuusamareeb, ku daad-gureeyay ciidamo uu ka keenay Caasimadda Soomaaliya oo aysan wax talo iyo ogaal ah ku lahayn Wasaaradda Amniga oo uu isagu ugu sarreeyay.

Wuxuu sheegay inuu dhawaan qaban doono shir jaraa’id, oo uu arrinkaas ku faahfaahinyo, wuxuuna u mahad celiyay, shacabka iyo hey’adaha Dawladda Galmudug.

Hoos ka aqriso, qoraalka Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi.

“Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu  asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda”.

“Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa  shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel”.

“Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo,  iyo  sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.