DEG DEG: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho

Goobjooge ayaa Keydmedia Online u sheegay inuu arkayay uuro madow oo cirka isku shareertay iyo rasaas xoog leh oo uu ka maqlay goobta qaraxa kadib.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa daqiiqado kahor Muqdisho ka dhacay Qarax culus, kaasoo laga maqlay qeybo kamida ah magaaladd xili dadka ay shaqooyinkooda u cararayeen.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa uu yahay miino lagu aasay nawaaxiga Wadada hor-marta Madaxtooyadii hore ee C/qaasim Salaad Xasan, oo ku dhaw Isgoyska Lambar afar [KM-4].

Lama oga cida rasmiga ee ahayd bartilmaameedka, laakiin warar hordhac ah waxay sheegayaan in lala eegtay Gaari Ciidan.

Fahfaahinta warkan, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.