Degaanka Basra oo saaka laga saaray Al-Shabaab

Sida uu Keydmedia Online u sheegay mid ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalka ka fuliyay degaanka Barsa, ma jiro wax iska caabbin ah oo ay sameeyeen Kooxda xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Degaanka Basra oo saaka laga saaray Al-Shabaab

BASRA, Soomaaliya – Ku dhawaad 10 tuulo oo ku teedsan wabiga Shabeelle ayaa saaka xilli hore laga saaray Kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo is-barbar socday oo ay fuliyeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Degaannada saaka laga fara-maroojiyay waxaa ku jira tuulooyin muhiim u ahaa isku socodka Al-Shabaab sida degaanka Basra oo Kooxdu u adeegsan jirtay isku xirka gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Degaannada Al-Shabaab laga saaray saaka salaaddii subax kadib, ayaa kala ah; 1. Basra, 2. Sabyo, 3. Bahdaad, 4 . Beled Al Kariim, 5. Baldooska, 6. Alifoow, 7. Muryaley, 8. Daniga Balow, 9. Buula Xansholey iyo kuwo kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa labaduba xajiiyay in la burburiyay fariisimihii Al-Shabaab ku lahaayeen degaannadaas.

Sida uu Keydmedia Online u sheegay mid ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalka ka fuliyay degaanka Barsa, ma jiro wax iska caabbin ah oo ay sameeyeen Kooxda xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Degaannadaan ayaa dhammaantood ah kuwo istaraatiiji ah, kuwaas oo isku xira goballada Shabeellaha hoose iyo Shabaallaha dhexe, waxayna Al-Shabaab degaanka Basra ku lahaayeen talis muhiim u ahaa sanado badan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.