Bajaajle lagu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda fedaraalka ayaa waddada maka al mukarama ku toogtay mid ka mid ahaa wadayaaasha bajaajyada Caasimadda.

Warar Keydmedia Online

MUQDISH, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa isgoyska KM4 ee Muqdisho ku dilay bajaajle. Askariga oo saarnaa gaari Cabdi Bile ah ayaa rasaas huwiyay mootada uu watay ruuxa geeriyooday.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkan uu askariga u geystay wiilka dhallinyarada ah, si nabad ah ayayna meeshii dilka uga dhaqaaqeen dilaaga iyo kolonyadii la socotay.

Dilkan loo geystay wiilka bajaajlaha ah ayaa qeyb ka ah dilal dhowr ah oo lagula kaco dhallinyarada ku shaqeysata mooto bajaajta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.