Dekada Muqdisho oo xirantay kadib Ajaanib la xiray

Muqdisho (keydmedia) Waxaa maalinkii labaad hakad ku jira dhaq dhaqaaqii dekada magaalada Muqdisho kadib markii shaqaale ajaanib ahaa oo la socday doon dhuxul siday oo ku soo xiratay dekada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Shaqaalaha doonta la socday oo tiradooda ay gaareysay 14 ayaa waxaa 10 ka mid ah loo taxaabay xabsiga dhexe ee xamar kadib amar ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka.

10 qof ee la xiray ayaa u dhashay Dalka Hindiya waxaana doontan ay ka soo shareecatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J.hoose iyadoona soo martay magaala xeebeedka marko ee xarunta gobalka Sh.hoose.

Max’uud Sahal oo wakiil ka ah doonta ay shaqaalahan la socdeen ayaa wax laga xumaada ku tilmaamay in dowlada ay xirto ajaanib ay wakiil ka yihiin ganacsato Soomaaliyeed .

Talaabada lagu xiray shaqaalaha doonta dhuxusha siday la socday ayaa la aaminsanyahay in ay ka danbeysay amar ka soo baxay dhawaan golaha wasiirada oo sheegayay in aan dhuxusha la dhoofin Karin.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.