Deni oo cafi u fidiyay 66 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni aya Cafis madaxweyne u fidiyay 66 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada maamulkaasi.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni aya cafis madaxweyne u fidiyay 66 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweyn Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowlad goboleedka Puntland.

"Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80 -aad farqadasiisa 11 -aad. Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta wasiirka cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Cafiska madaxweynaha ayaa kusoo aadaya toddobaad kaddib markii ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana inta badan bisha Ramadaan loo fidiyaa cafis maxaabiista ku xiran Xabsiyada ee dambiyada yar-yar loo soo xiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.