Deni oo Ciidamadii ugu badnaa u direy Boosaaso

Saraakiil Mareykanka ah ayaa la sheegay inay Boosaaso gaareen, si ay xal ugu helaan mushkiladda haysata Ciidanka ay tababareen ee PSF.

Warar Keydmedia Online
Deni oo Ciidamadii ugu badnaa u direy Boosaaso

BOOSAASO, Puntland - Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Puntland, oo Maamulka fadhiya Garowe kasoo galo dhaqaalaah ugu badan Dekada, ayaa hadda foolanaysa dagaal cusub.

Ilo katirsan laamaha amniga Puntland ayaa u sheegay Keydmedia in Deni uu Ciidan badan badan oo wata gaadiidka dagaalka uu geeyay Magaaladda 24-kii saac ee lasoo dhaafayay.

Ciidanka waxaa la dul-dhigay Xaafadda Ridwaan, oo ay ku taallo xarunta hay'adda la dagaalanka argagaxsiadda ee PSF, taasoo taliyaheeda ka hor yimid xilka-qaadis lagu sameeyay.

Saraakiil Mareykanka ah ayaa gaarey Boosaaso, si ay xal ugu helaan mushkiladda haysata Ciidanka ay tababareen ee PSF, oo Deni uu doonayo inuu isbedel ku sameeyo hogaankeeda.

Hal qoys ayaa PSF xukumayay mudo ka badan 15 sano, waa reer Diyaanno, kaasoo si toos ah u qaata lacagta Mareykanka siiyo hay'adda, iyadoo aan marin maamulka Deni ee Puntland.

Deni ayaa qaatey go'aan ah inuu ka takhaluso xukunka boqortooyadda reerkan ka sameystay PSF-ta, oo ah hay'ad loo aas-aasey la dagaalanka argagaxisadda xiligii C/llaahi Yuusuf.

Xiisada ka dhalatay xilka qaadista Maxamuud Cismaan Diyaanno waxay keentay in Boosaaso qeybo kamid ah dadka ka cararaan, waxaana jira baaqyo ku aadan in laga baaqsado dagaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.