Deni oo gaarey Dhuusamareeb isagoo wata Ciidamada gaarka Puntland

Madaxweynaha ayaa waxaa uga soo horeeyay magaaladda Ciidamo gaar ah oo shalay iska hormariyay, kuwaasoo ilaalin doona amaankiisa inta uu Dhuusamareeb ku sugan yahay.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa noqday hogaamiyihii 3aad oo ka dega Dhuusamareeb tan iyo shalay, kuwaasoo ka qeybgalaya shirka la filayo inuu magaaladda ka furmo saacadaha soo socda.

Waxaa uga sii horeeyay Dhuusamareeb Madaxda HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo hadda la sugayo oo kaliya Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo saakay kasoo duulay magaaladda Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa cabsi ka qaba in lagu xiro Dhuusamareeb, sidaas darteed wuxuu dalbaday in Ciidanka dowaldda laga saaro magaaladda, waana laga soo saarey shalay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.