Deni oo ka tagey Dhuusamareeb kahor inta uusan imaan Kheyre

Xasan Cali Kheyre ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Talaadadii shalay, iyadoo lagu wado inuu ka qeybgalo wejiga labaad ee wadahadalka DF iyo Maamullada dalka.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa Dhuusamareeb shalay ka duulay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, saacado kahor imaanshaha wafdiga Ra'iisul Wasaare Kheyre.

Sababta ayaa lagu sheegay in Deni uu uga qeybgalayo Garoowe aaska Xasan Abshir Faarax, oo maalmo kahor ku geeriyoodey magaaladda Ankara, ee Caasimadda Turkiga.

Wararka ayaa sheegay in Deni uu dib ugu soo laaban doono Dhuusamareeb kadib aaska Xasan Abshir, Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka, oo meydkiisa lagu aasayo Gaarowe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.