Deni oo shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye degmo

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii looga joojiyay guddoomiyaha degmada Boosaaso.

Warar Keydmedia Online
Deni oo shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye degmo

BOOSAASO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Wareegtada ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Dowlad goboleekda Puntland markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad, markuu arkay eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso, markuu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad goboleedka Puntland. ee uu tixgeliyey Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
  2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
  3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta

Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.