DF iyo Talisma ciidamda Mareykanka AFRICOM oo kulmay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamda mareykanka ee AFRICOM oo kulan xasaasi ah qaatay ayaa waxay kawada hadleen xaaladda Amni ee dalka iyo sidii Al-Shabaab la isaga caabin lahaa.

Warar Keydmedia Online
DF iyo Talisma ciidamda Mareykanka AFRICOM oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyo sidoo kale tababar siinta ciidamda dowladda Soomaaliya oo loo qorsheeyay in ay la wareegaan goobaha ay banneeyeen ciidamada AFRICOM ee Soomaaliya ka howl gali jiray kuwaasoo ka guuray guud ahaan dhulka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AFRICOM Gen.Stephen Townsend ayaa u sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka baxeen Soomaaliya iyagoo fulinaya amarka madaxweynaha talaa kasii dagaya ee Donald Tramp kaasoo ahaa in laga soo saaro ciidamda Mareykanaka ee howl galka u jooga Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa aad ugu celcliyay in ay muhiim tahay sidii looga guuleysan lahaa kooxda Al-Shabaab oo iyadu ka talisa deegaano badan oo kamida Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna inta badan falal amni darro la xiriira ka geystaan goobaha aysan maamulin halkaasoo ay u diraan koox u qaabilsan fulinta howl-gakada isugu jira dilalka qorsheysan iyo qarxinta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.