DF oo Ciidan diyaarado ku geysay Beledweyne

Farmaajo ayaa Ciidanka Haram'cad iyo NISA u adeegsado danihiisa siyaasadeed, isagoo ku weerara Mucaaradka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kasoo horjeeda.

Warar Keydmedia Online
DF oo Ciidan diyaarado ku geysay Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqolaal Askari oo katirsan Ciidamada Haram'cad ee uu Turkiga tababarey ayaa diyaarado lagu geeyay 24-kii saac ee ugu dambeeyay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo laga diray Muqdisho ayaa la geeyay saldhigyo Beledweyne ku yaalla, oo la sheegay in mudooyinkii dambe lagu diyaarinayay duulaan ka dhan ah Jen Xuud, oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhisay Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa Beledweyne ku sugnaa mudooyinkii dambe, oo u tagey dejinta Xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan oo u dhaxaysa Jen Xuud iyo Hirshabeelle.

Waxaa muuqata inay soo xirmeen albaabaddii wadahadalka, oo ay DF qorsheynayso inay weerar ku qaado saldhigyada Malleeshiyaadka Jen Xuud ee duleedka Beledweyne, sida ay illo ku sugan gobolka u sheegeen KON.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ciidanka Haram'cad iyo NISA u adeegsado danihiisa siyaasadeed, isagoo ku weerara Mucaaradka, kuna afduuba doorashooyinka ka dhaca Maamul Goboleedyada kasoo horjeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.