DF oo digniin u dirtay shirkadda Genel Energy (Somaliland)

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Dawladda Federaalka ay ka jawaabi doonto wax kasta oo xadgudub ku ah khayraadkeeda, ayna qaadi doonto wixii tallaabo ah ee sharcigu u bannaynayo si ay u ilaaliso madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada iyo khayaaradkeeda.

Warar Keydmedia Online
DF oo digniin u dirtay shirkadda Genel Energy (Somaliland)

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u digtay shirkadda shidaalka ee Genel Energy PLC oo horay u sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya, heshiis baarisna la gashay Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee dalka.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada shirkadda Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee waddanka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Dawladda Federaalka ay ka jawaabi doonto wax kasta oo xadgudub ku ah khayraadkeeda, ayna qaadi doonto wixii tallaabo ah ee sharcigu u bannaynayo si ay u ilaaliso madaxbannaanida dhuleed, midnimada iyo khayaaradkeeda.

Dowladdu waxa ay ugu baaqday  shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya. .

Wasaaradda Batroolka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay  war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in aanu jirin fasax ay shirkaddaasi u haysato baarista iyo ka faa’iideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya, waxayna Genel Energy u dirtay digniin adag.

Shirkadda Genel oo ah shirkad caalami ah oo xarunteedu tahay dalka Britain ayaa sanadihii 2012 iyo 2021 heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland, sida ku qoran bogga internet-ka ee shirkaddaas, Soomaaliland ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin arrinkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.