Fahfaahin: Hubka oo laga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa faah-faahiyay sababaha keenay in hubka laga mamnuuco garoonka.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Hubka oo laga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde

MUQDISHO, Soomaaliya - Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa ka hadlay sababta keentay in laga mamnuuco garoonka diyaaradaha Askarta hubeysan “Aniga ayaa codsaday in hubka laga joojiyo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde” sidaa waxaa yiri maareeyaha guud ee garoonka Aadan Cadde oo u waramayay taleefishinka Dowladda. 

Ujeedada wuxuu ku sheegay in garoonka uu yahay garoon caalami ah ayna tahay qasab in loo ekeysiiyo garoomada caalamiga ah ee waddamada dariska, waxa uu yiri “Ujeedada hubka loo qaato waa in amniga lagu sugto, garoonka Aadan Cadde waa Amni, amni-darro kama jirto gudaha garoonka taasoo keeneysa in garoonka hub lalasoo galo, waana waajib in aan u ekeysiinaa garoomada caalamiga ah ee adduunyada kale”

Markaa soo gashid garoonka waxaad arkeysaa nuucyadii kala duwanaa ee hubka oo dhan” sidaa waxaa yiri maareeyaha oo difaacaya wareegtadii lagu joojiyay in hub lala galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxa uuna ka digay dad war xun ku faafinaya baraha bulshada uu ku sheegay marin habaabin ujeedada loo mamnuucay ku saabsan

Maareeyuhu wuxuu caddeeyay in wareegtadan hadda kahor ay soo baxday Xilligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheikh Maxamuud, waxa uu ku ammaanay in Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ku tix galiyay in ammaanka garoonka ay sugaan, "Wuxuuna na weydiistay Immisa qori ayaa la ii oggol yahay? waxaan usheegnay in aan u ogolnahay 8 qori, wuuna naga aqbalay" ayuu raaciyay Maareeyaha.

Waxa uu caddeeyay in aysan jirin cid gaara oo loola dan leeyahay arrintan hubka lagu xakameynayo ee garoonka Aadan Cadde.

Hadalka Maareeyaha waxaa laga dhadhansan karaa in wareegtadan soo baxday 2016 ay dhaqan gali weysay, madaxda dowladda Farmaajana ay jabisay wareegtadaas, iyadoo hub xoogan lala soo galay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, tan iyo goortii ay maamulka la wareegeen Farmaajo iyo kooxdiisa, hadda ayaana lagu baraarugay oo la soo saaray in la joojiyo mar kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.