DF oo fulisay Howlgal lagu dilay in ka badan 100 Al-Shabaab

Degaanka Ceel-Dheere wuxuu ku yaallaa inta u dhaxaysa Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxayna ahayd meel Al-Shabaab isaga kala gudbaan dagaalyahanadeeda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Warar Keydmedia Online
DF oo fulisay Howlgal lagu dilay in ka badan 100 Al-Shabaab

CEEL-DHEERE, Soomaaliya - In ka badan 100 kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo NISA iyo Mareykanka ka fuliyeen degaanka Ceel-Dheere ee G/Shabeelle Dhexe.

Sida uu sheegay C/raxmaan Al-Cadaala, howlgalka ayaa lagu beegsadey goob ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo degaanka ku yaalla, waxaana lagu garaacey gantaallo cirka uga yimid.

Sawirro ay Warbaahinta dowladda soo bandhigtay ayaa muujinaya burburka Gaari nooca Ciidanka lagu qaado oo agtiisa daadsan yihiin qoryo iyo Tuutaha Dagaalyanada lagu dilay Goobta.

Waxay u muuqataa in duqeyn ka dhacday meel ay saldhig u ahayd Al-Shabaab, oo geed hoostiisa ah, iyadoo Al-Cadaala sheegay inay NISA Ciidankeeda ay qeyb ka qaateen howlgalka.

Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay inay la wareegtay Ceel-Dheere, oo ku yaalla xadka kala qeybiya Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, waxaana tani noqonaysaa guushii ugu dambeysay oo laga gaarey dagaalka ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gobolka Sh/Dhexe ku sugan, isagoo shalay tagey degmada Cadale, oo aan ka fogeyn goobta uu ka dhacay gobolka lagu dilay 100-ka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa dhanka cirka ka taageeraya Ciidanka dowladda ee dhulka kala dagaalamaya Al-Shabaab, waxayna tani fududeysay in guulo deg deg ah laga gaaro howlgalka socday 3-da bilood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.