DF oo ka aamusan weerar askar iyo taliye looga dilay

Tan iyo markii la doortay Farmaajo Febuary 2017, waxaa Soomaaliya ka dhacay weeraradii ugu xumaa, oo uu kamid yahay qaraxii Zoobe, oo in ka badan 500 oo qof oo shacab ah ay ku dhinteen.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka aamusan weerar askar iyo taliye looga dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha dawladda ayaan wali ka hadlin weerar Arbacadii tagtay Al-Shabaab ku qaadey Ciidanka duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ka dhashay khasaaro xoog leh.

Weerarkan oo ka dhacay Tuuladda Bullaalow oo ku dhaw Afgooye ayaa waxaa lagu dilay 17 askari iyo taliye lagu magacaabi jiray Colonel Abdalla Ali Mire, iyadoo dhaawac intaas ka badan uu gaarey Ciidanka.

Ciidanka ayaa la kulmay weerar gaadmo ah xili ay ku guda jireen howlgal roondo ah, oo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana Al-Shabaab ka qabsatay gaadiid dagaal iyo hub aad u badan, sida ay wararku sheegayaan.

Inta badan madaxda DF ayaan ka hadlin khasaarooyinka Ciidanka kasoo gaaro weerarada Al-Shabaab, oo ku dhimanaya Saraakiil Ciidan iyo askar naftooda u huray inay cadowga ka difaacaan wadanka.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo Febuary 2017, waxaa Soomaaliya ka dhacay weeraradii ugu xumaa, oo uu kamid yahay qaraxii Zoobe, oo in ka badan 500 oo qof oo shacab ah ay ku dhinteen.

KEDYMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.