DF oo Internet la’aanta ka hadashay

Lama oga inta maalmood ay qaadan doonto in la xaliyo internet la'aanta ka jirta Koonfurta Soomaaliya, laakiin dadka ganacsatada ayaa sheegay inay isticmaalayaan mid diish ah, oo aad u lacag badan, haddana culeys ah.

Warar Keydmedia Online
DF oo Internet la’aanta ka hadashay

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha Wasiirka Tiknoolijiyadda Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa ka hadlay sababta keentay ciladda Internet-ka Fiber Optic , oo maanta ka go'an Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Qoraal uu soo saarey Wasiirka ayuu ku sheegay in shaqo ka bilaabay Xarrig cusub oo Internet-ka DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya kii labaad oo Muqdisho la keenay, iyadoo dhanka badda lasoo marsiiyay.

"Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban," ayuu yiri Canshuur.

Waxuu xusay in xeebta Muqdisho uu soo gaarey oo howl ka bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM.

Malaayiin dollar ayay ganacsatadu sheegeen inay ku khasaarayaan marka uu ka maqan yahay Internet-ka, kaasoo la jaro marka siyaasaddu kacsan tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.