DF oo shaacisay in arday ka socotay Puntland ay galeen Imtixaanka Dugsiga Sare

Mustaqbalka waxbarasho ee ardayda Puntland ayaa waxaa saameeyay khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac ka dhaxeeyo.

Warar Keydmedia Online
DF oo shaacisay in arday ka socotay Puntland ay galeen Imtixaanka Dugsiga Sare

Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa maalinimadii shalay aheyd si rasmi ah u soo gaba gaboobay imitixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare, kaas oo ay sanadkii lixaad oo xiriir ah qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ardayda imtixaanka galay sanadkaan oo gaaraya 35 kun ay ku jireen 500  oo arday oo deegaanada Puntland wax ku bartay, balse Wasaaradda ma cadeynin halka iyo qaabka ay ku galeen Imtixaanka.

Puntland ayaa horey u sheegtay in ardayda deegnadeeda wax ku barto ay imtixaan u gaar ah ka qaadeyso, sababo la xiriiro khilaafka dowladda kala dhaxeeyo, waxaana xusid mudan in sanadihii hore qaab wada hadal ah lagu xalliyay arinta Shahaadada ee ardayda Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.