DF oo Xabsiga kasii daysay Mas’uul u xirnaa

Ciidamada waxay sidoo kale xireen shalay dhowr qof oo suxufiyiin ku jiraan, iyadoo la caburiyay dadka shacabka ee sida nabdoon u cabirayay aragtooda

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsi ku yaalla Muqdisho kasii daysey gudoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis, oo lagu magacaabo Cusmaan Muxidiin Cali Cariif, kadib markii shalay Booliska ay ku qabteen Daljirka Daahson, isagoo ka qeybgalayay banaabax ka dhan ah mudo korarsiga Farmaajo.

Ciidamada waxay sidoo kale xireen shalay dhowr qof oo suxufiyiin ku jiraan, iyadoo la caburiyay dadka shacabka ee sida nabdoon u cabirayay aragtooda ku aadan masiirka dalka, oo Farmaajo meel khatar ah kusoo wada.

Ciidanka DF ayaa meel kasta la dhigay magaaladda Muqdisho, iyadoo ay Xukuumadda ka baqeyso inuu kacdoon shacab oo ay hogaaminayaan mucaaradka uu qarxo, maadaama si aad ah looga soo horjeedo dib u dhigista waqtiga doorashadda iyo xukun dheeraysiga Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.