DFS oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 8 xaaladood oo cusub laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland iyo Jubbaland. 

Warar Keydmedia Online
DFS oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas hor leh oo COVID-19 ah, kuwaas laga helay deegaanada maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka caafimaadka Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay 8 xaaladood cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga puntland, 7 qof, Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,265.

Sidoo kale Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ku sheegtay inay Feyruska Karoona ka bogsoodeen 22 qof oo cusub, waxeyna tirada guud ee dadka ka bogsaday feyruskaan noqoneysaa 2,396.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.