Dhacdo laga naxay: Wiil iyo Walaashiisa oo Muqdisho lagu dilay

Dilkan aad ayuu u taabtey quluubta dadka ku nool Muqdisho iyo qof walba oo dareen bini'aadanimo ku jira, waxayna kamid tahay dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacay magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Dhacdo laga naxay: Wiil iyo Walaashiisa oo Muqdisho lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Hooyo iyo Aabe ayaa hal meel ku waayay Wiil iyo Gabar usoo baxay, oo mudo ay kusoo tacab iyo tiir beeleen, oo askar si micna-darro ah ugu dilay Muqdisho.

Waa dhacdo xanuun badan, oo aad looga naxay kadib markii Zaki Maxamuud Kalafoge iyo Walaashiisa Sowdo Maxamuud Kalafoge lagu dilay Isgoyska Dabka, iyagoo Bajaaj saaran.

Askar saarnaa Gaari Cabdi-Bille ah, oo galbinayay qof Mas'uul ah oo Gaari nooca aan xabadda-karin saarnaa ayaa rasaas ku furey si mas'uuliyad darro ah, waxayna haleeshay Wiilka iyo Walaashiisa oo ku jiray Bajaaj Isgoyska taagnayd xili zaxmad jirtay oo baabuurta isku xirnaayeen.

Waxaa la sheegay in Askarta ay wadada ku furanayeen rasaasta, iyagoo hoos ugu riday dadka shacabka ah ee ku jiray ciriiriga, mana u joojin dadka ay dileen, oo wayna ka dhaqaajiyeen.

Zaki iyo Walaashiisa ayaa u socdey Isbitaalka Yerdameli oo ay ku jirtay Gabar reerkooda katirsan ugu umushay, waxayna ugu maqnaayeen inay maqaayad cunta ugu soo iibiyaan.

Waxay caado ka dhigteen askarta dowladda inay jidka xabad ku furtaan marka uu ciriiri ka jiro, oo shacabka ku laayaan, mana ahan markii ugu horeysay, mana jirto cid la xisaabtanta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.