Dhalac ma mari doonaa jidkii Ubax Tahliil?

Inta badan bulshada ka soo jeedda Koofurta Gobolka Mudug, ayaa dalbana in Xildhibaan Dhalac, la marsiiyo jidkii Ubax Tahliil,  isla-markaana HOP#095, la saaro ruux u adeega dadka iyo degaanka leh.

Warar Keydmedia Online
Dhalac ma mari doonaa jidkii Ubax Tahliil?

GAALKACYO, Soomaaliya – 22-kii November, 2016, ayaa Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, kursi baarlamaan loogu doortay magaalada Cadaado, si uu muddo xileedkaas u matelo kursiga HOP#095, hayeeshee,  wuxuu Shan sano iyo Saddex bilood oo wax-qabad la’aan kadib, mar kale raadinayaa isla kursigii.

La-yaabka ayaa ah, in Cabdikariin, uu agaasimihii hore ee NISA, eedeysane, Fahad Yaasin, ka sugayo in Madaxtooyada Soomaaliya u boobto kursiga, maadaama uu ku baraarugsan yahay xisaabta hor talla iyo in uusan ku soo bixi karin tartan daah-furan.

Cabdikariin Khaliif, waxa ay muddo isku saf ahaayeen Ubax Tahliil, oo xalay looga adkaaday doorashada HOP#060, kaas oo ay ku guuleysatay, Qaali Cali Shire, oo muddo ka soo hor jeedday, sida ay wax u wadeen,  Khaliif iyo Ubax oo matalaaddi loo idmaday baal-maray.

Khaliif, wuxuu Shanti sano ee la soo dhaafay ahaa adeege Farmaajo, wuxuu qeyb ka qaatay ololihii muddo kordhinta, wuxuuna ugu horreeyay xildhibaannadii ka soo hor jeeday in shacabka Muqdisho bannan-baxyo nabadeed ku muujiyaan dareenkooda.

Kursiga HOP#095, wuxuu ka mid yahay lix kursi oo baaqi ka ah, 11 kursi oo taalla Gaalkacyo, iyo guud ahaan 37 kursi, oo Golaha shacabka ah oo taalla Galmudug, waxaana la rumeysan yahay in beesha leh, ay dadaal ku bixin doonto, in aan tartankiisa la xirin.

Dhamaan shaqiyaadka, ku hoos jira Farmaajo, ayaa doonaya in tartanka kuraasta loo xiro, maadaama aysan jirin cid dooraneysa haddii la aado doorasho xalaal ah, xita haddii ay kumanaan dollar bixiyaan.

Kadib guuldarradii xalay ee Ubax Tahliil, is weydiinta ayaa noqotay, Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, ma mari doonaa jidkii Ubax, iyo beesha kursiga leh, Qoorqoor, cadaasis maku saari doontaa inuu uusan xirin baratanka HOP#095?

Waqtiga doorashooyinka xubnaha Golaha shacabka ayaa ku eg, March 15, 2022, hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, ayaana wajahaya cadaadis xooggan oo ka imaanaya Mareykanka, kaas oo iclamiyay xayiraad dhanka socdaalka ah.

Baarlamaanka Federaalka oo ka kooban Aqalka Hoose [275 kursi] iyo Aqalka Sare [54 kursi], ayaa hadda waxaa haray in ku dawaad 70 kursi oo aan weli la dooran, sababo la xiriira khilaafyo ka jira degaanno ay ka mid tahay Jubaland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.