Dhalinyaro kasoo baxsaday Eritrea oo soo gaarey Puntland

Arintan ayaa lagu soo beegay xili Maanta banaanbax ay waalidiin ku dalbanayeen in caruurtooda loo soo celiyo uu ka dhacay Muqdiso.

Warar Keydmedia Online
Dhalinyaro kasoo baxsaday Eritrea oo soo gaarey Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Garowe lagu soo bandhigay dhowr dhalinyaro ah oo sheegay inay kasoo baxsadeen xeryaha tababarka dalka Eritrea oo mudo labo sano iyo bar ay ku jireen.

Waxay ka sheekeeyeen dhibaatadii ay kasoo mareen tababarka iyo sida ay kusoo baxsadeen, iyagoo tilmaamay in si arxan darro ah loola dhaqmayay markii ay ku sugnaayeen Eritrea oo sii qaldan lagu geeyay markii hore.

Mid kamid ah ayaa u sheegay warbaahinta in qaar saaxiibadooda ah ay dileen Ciidanka Eritrea markii ay soo baxsanayeen, waxay soo mareen dhulka Anfarta degto oo dhinaca Jabuuti uga soo gudbeen, waxayna yimaadeen Somaliland, oo ugu dambeyn kasoo galeen Puntland.

Waxay ka kala yimaadeen Muqdisho, Qoryooley oo Sh/Hoose katirsan iyo magaalooyin kale oo Koonfurta kamid ah, waxayna sheegeen in tiradooda ay ahayd markii ay ku jireen tababarka illaa 5,500 oo wiil, kuwaasoo da'dooda u dhaxayso 20 illaa 25 sano.

Dhalinayaradan oo dhibaato laga dheehan karay wajiyadooda ayaa tilmaamay in Eritrea ay u dirtay qaar kamid ah wiilasha gobolka Tigray sanadkii tagey dhamaadkiida, kadibna si qasab ah lagu dagaal geliyay.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in tirada dhalinyarada ay gaareyso illaa 7,000, waxaana dalka laga qaadey 2019 iyo 2020, iyagoo lagu tababarayay afar xero oo ku taalla dalka Eritrea.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.