KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Koox dhallinyaro ah oo iskood isku abaabulay ayaa dadkooda miyiga ku dhaqan waxay gaarsiiyeen Dawo, waxbarasho iyo wacyi galin bulshada deegaanka.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dhalinyaro aqoonyahanno ah oo labaxay Gargaar ayaa gaaray deegaan loo yaqaan Gal-Reedab oo qiyaastii 20km u jirta caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusomareb.
Dhallinyarada ayaa shaqooyin isug jira daweyn dadka xanuunsan ee deegaanka, waxbarasho iyo wacyigalin ka fuliyay deegaanka Gal-Reedab, Dhallinyarada gargaar ayaa gargaar caafimaad u fidiyay 62 bukaan socod waxa ayna siiyeen daawo bilaash ah.
Deegaanka Gal-Reedab oo ah deegaan dad badani ay ku nool yihiin waxaa kajira baahi waxbarasho iyo mid caafimaad, dowlad goboleedka Galmudug weli kuma aysan guuleysan in ay adeegyada bulshada gaarsiiyaan deegaanada ay ku nool yihiin dadka aadka u nugul iyo kuwa saboolka ah ee xanuunada la nool.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.