Dhaq-dhaqaaq dagaal oo ka socda xadka Hiiraan & Sh/dhexe

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo ku sugan goobaha lagu dagaallamay ayaa sheegay in dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku go’adoonsan yihiin aagga dagaalka, isla-markaana ay Ceel-dheere uga carareen in ka badan 20 meyd ah.

Warar Keydmedia Online
Dhaq-dhaqaaq dagaal oo ka socda xadka Hiiraan & Sh/dhexe

AADAN YABAAL, Soomaaliya – Kadib dagaallo kharaar oo shalay ilaa xalay ka socday degaanno dhaca xudduudka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa saaka la soo sheegayaa in laga cabsi qabo in mar kale maanta dagaal ka qarxo degaannadaas.

Dadka degaanka oo taageero ka helayay ciidamada Dowladda ayaa Kooxda Al-Shabab xalay kala wareegay degaanka Ceel-dheere oo hoos taga degmada Adan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kadib dagaal soo billowday duhurnimadii shalay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ciidankii ugu badnaa soo dhoobeen degaanno ku dhow kuwii shacay lagu dagaallmay, halka ay diyaar garow xooggan ku jiraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka degaanka ee ku sugan furinta dagaalka.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo ku sugan goobaha lagu dagaallamay ayaa sheegay in dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku go’adoonsan yihiin aagga dagaalka, isla-markaana ay Ceel-dheere uga carareen in ka badan 20 meyd ah.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay sababta uu hakadka u galay kacdoonkii xoogganaa ee curtay bishii July ayaa sheegay in dagaalku uusan xabad kaliya aheyn, balse ay jiraan xeelado kale oo DF isticmaaleyso.

Wasiir Cabdulqaadir oo wareysi siiyay warbaahin maxalli ah ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka, isagoo xusay in markii hore doorka Dowladdu ahaa in ay kaabto shacabka u istaagay in ay xoreystaan degaankooda.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.