Dhaq-dhaqaayo Ciidan iyo Dhoolla-tus ka socda Matabaan

Dhaqdhaqaayo ciidan iyo dhoolla-tus ballaaran oo ay wadaan maleeshiyaad ku sugan deegaanka Matabaan ayaa lasoo sheegayaa, iyadoo xalay la weeraray saldhig ku yaal Matabaan.

Warar Keydmedia Online
Dhaq-dhaqaayo Ciidan iyo Dhoolla-tus ka socda Matabaan

MATABAAN, Soomaaliya - Malleeshiyaad hubeysan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Matabaan Xirsi Warsame Goomey, oo ka amar-qaata Hirshabeelle ayaa dhoolla-tus aan horay loo arag kusoo bandhigay Gudaha Degmada .

Xirsi Goomeey iyo Malleeshiyada uu hor kacayo, ayaa aad uga soo horjeeda in Matabaan la hoos geeyo Galmudug, waxayna xalay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska, iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidanka Galmudug ee halkaas ku sugan.

Malleshiyaadkan ayaa dhawaan barkoontarool oo Canshur lagu qaado ka hirgaliyey duleedka Matabaan, inkastoo laga ceeriyay mar dambe.

Labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxay ku muransan yihiin in Matabaan oo xadka Hiiraan iyo Galgaduud ku taalla, taasoo hore uga mid ahayn goobaha ay Ahlu Sunna maamusho ee gobollada Dhexe.

Dhibaatooyinka soo kordhay markii la qaatay nidaamka Federaalka ah ayey kamid tahay in xuduudaha gudaha la isku qabsado, horay waxaa muran uu u dhaxeeyay Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo ku murmay deegaanka Jasiira.

Sidoo kale, Galmudug iyo Puntland ayaa iyana isku qabsaday Gaalkacyo oo dhowr jeer ku dagaalameen, iyadoo ugu dambeyn ku heshiiyeen inay magaaladda Koonfur iyo Waqooyi u kala gooyaan, oo qofba dhinac maamulo.

Dowladda Soomaaliya waxba kama qaban karto deegaanada la isku haysto, waxayna xoogga saartay keliya Muqdisho, oo ah halka ay fadhiso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.