Dhawaqyo cusub oo ka soo yeeray Shabaabka ceelasha

Ceelasha(keydmedia) Sida ay ku xog warameen dad ku nool deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho Al-shabaabka halkaasi ka taliya ayaa dhawaan waxaa ka soo yeeray amaro aan hore loo maqlin.
Warar Keydmedia Online

Dadku waxa ay sheegeen in Alshabaab ay ku amreen dadka ganacsatada ah xiliyada Salaada in ay tagaan Masaajida iyagoona intaasi sii raaciyay qofkii aan salaad u kicin xiliga loo qabtay loo aqoonsan doono baaris la’aan laba midood inuu yahay, waa mide inuu yahay sida hadalka ay u dhigeen Jaajuus u kuur galiyay arimahooda iyo mida kaloo ay ku sheegeen in ay u aqoonsan doonaan tuug dadka dhici raba.

Erayadaasi oo ahaa kuwa lahjad kulul ay u adeegsadeen dhalinyarada matasha shabaabka ee ku sugan deegaanadaasi ayaa walaac galisay dadka halkaasi ku nool ee ganacsatada ah.

Dhanka kale Haweenka ku nool ceelasha ayaa xiligan ka cabanaya amar dhanka dhar xirashada la xiriira oo ay shabaabku soo saareen iyo amar kale oo sheegayay in Haweenka laga doonayo ka qeyb galka isku soo baxyo maalmaha jimcaha ay shabaabka Sameeyaan.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.