Dhibaatooyinka ay ciidamada dalka Kenya ku hayaan Soomaalida oo sii kordhayo

Nairobi (Keydmedia) - Ciidamada dallka Kenya ayaa qab qabtay ganacsato Soomaali ah oo howlo ganacsi ka waday magaalooyinka xaduudka ku yaalla ee labada Mandheera iyo Baladxaawo.
Warar Keydmedia Online

Ganacsatadan la xir xiray oo iskugu jiray rag iyo dumar ayey ku eedeeyeen ciidamada xabsiga u taxaabay in aysan haysan wax sharci ah oo ay uga beec mushatari kareen dalkas Kenya magaaladiisa ku taala xaduudka ee Mandheera.

Mid ka mid ah odayaasha ku nool magaalada Beladxaawo ayaa u sheegay warbaahinta in ganacsatadaasi oo haatan ku xiran xabis ku yaalla magaalada Mandheera ay ciidamada dalkaasi ay dhibaatooyin u gaysteen, asigoona intaas ku daray in ay aad ugu wal walsan yihiin xaalada ay ku sugan yihiin, isla markaasne ugu baaqay dowlada Kenya in dhibaatooyinka laga daayo ganacsatada Soomaalida oo ay inta badan dhibaateeyaan ciidamada Kenyatiga.

Inta badan ciidamda dalka Kenya ayaa ula dhaqmo si xun dadka Soomaalida ee dalkaasi qaxootinimada u jooga ama ka ganacsada, iyadoona haatan xabsiyada dalkaasi ay ka buuxaan Soomaali tiro badan oo qaabab kala duwan u dhigeen xabsiyada haba u badnaatee iyagoo ku haysta sharci la,aan in ay dalkaas ku galeen.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.