Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Guri shacab kusoo dumay

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kaddib markii uu soo dumay guri ku yaal degmada Shingaani ee gobolka Benaadir.

Warar Keydmedia Online
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Guri shacab kusoo dumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba ruux ayaa geeriyootay, Sagaal kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac, kaddib markii uu kusoo dumay gurigooda oo ku yaalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Waaxda gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa gurmad u sameeyeen Qoysaska danyarta ah oo ku noolaa dhismaha Waaxda 1-aad ee Howd Degmada Shangaani Gobolka Banaadir. 

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-galinta Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti, ayaa meesha ay wax ka dhaceen gaartay, waxayna u mahadcelisay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay bad baadinta qoysaskii maanta ay soo gaartay dhibaatada.

Dhaawaca 9 -ka qof ayaa loola cararay Isbitaalada Muqdisho, iyadoo dadka dhintayna la aasi doono, waxaana inta badan degmooyinka Shangaani iyo Xamarweyne ku badan qoysas dan yar ah oo daggan guryo qadiimi ah oo qaarkood dhisan qiyaastii 100 sano iyo ka badan.

Qof laga soo saaray buburka

Qof laga soo badbaadiyay burburka guriga

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.