Dib u dhaca doorashadda iyo saameynteeda Soomaaliya

Bisha May hadii la gaaro, oo aan la dooran dowlad cusub oo dib u eegis ku sameysa heshiiska IMF, waxaa la joojin doonaa barnaamij lagu taageerayo Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Dib u dhaca doorashadda iyo saameynteeda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda lacagta adduunka ee IMF waxay joojin doontaa bisha May barnaamijkeeda ay ku taageerto Soomaaliya, haddii doorashooyinka qaranka ee muddada dheer dib loo dhigayay ay dib u dhacyo kale ku timaado.

Barnaamijka IMF-ta ee Soomaaliya waxa dib u eegis lagu samayn lahaa 17-ka May, xiligaas oo aan diyaar ahayn maamul cusub oo dib u habayn ku sameeyo barnaamijka taageerada IMF ee Soomaaliya.

Si toos ah ayay IMF u joojin doontaa barnaamijka, taasi si ba'an u saameyn doonto miisaaniyada dalkan saboolka ah iyo heshiiskii lagu dhimayay deynta dibadda looga leeyahay Soomaaliya oo gaareysa $ 5.2 bilyan.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano, waxaana lagu waday in la soo gaba gabeeyo doorashada Aqalka Hoose ugu dambeyn maalinta Jimcaha ah ee shalay, iyadoo dad badan ay filayeen in Feb 25 lagu dhameytiri karin, iyadoo ku dhawaad 100-kursi ay harsan yihiin.

Soomaaliya oo ah mid ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka oo dadka ku nool ay yihiin in ku dhow 70 boqolkiiba biil ka dhigtaan wax ka yar $1.90 maalintii, ayaa dowladda bil kasta isticmaashaa $10 milyan si ay u daboosho kharashaadka muhiimka ah sida mushaharka shaqaalaha iyo Ciidanka.

Doorashadda Soomaaliya ayaa ku qabsoomi waysay mudo hal sano ah, waxayna noqotay midii ugu mudada dheerayd, iyadoo Mareykanka uu hadda xayiraado dhanka safarka ah kusoo rogay shaqsiyaad caqabad ku ah dimuqraadiyadda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.