Dibadbax looga soo horjeeda Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Waxaa maanta magaalada Muqdish gaar ahaan agagaarka taalada daljirka Daahsoon ka dhacay dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo kooxda shabaab ee dowlada la dagaalanta.
Warar Keydmedia Online

Dibadbaxayaasha ayaa si weyn uga careesnaa talaabooyinka ay Al-shabaab ku diideen taageerada dadka danyarta ah ee ku nool degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir,

Daljirka daahsoon

Dibad baxan ayaa waxaa soo qabqaabiyay bulshada rayidka ee gobalka Banaadir, iyadoona dibadbaxayaasha ay ahaayeen kuwa dhaliishan qaabka shabaab ay ula macaamilaan danyarta Soomaaliyeed.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.