Dil ka dhacay Baydhabo

Warar Keydmedia Online

Mas'uuliyiinta laamaha amniga ayaa sheegay inay baarayaan dhacda, isamarkaana calaadda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in xalay fiidkii halkaas lagu dilay Shariif Mukhtaar Jiis oo ahaa guddoomiyihii Ururka naafada gobolka Baay.

Koox hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay guddoomiyaha ugu tageen hoygiisa oo ku yaallo Kaam ay degan yihiin dad barakacayaal ah, kadibna ay toogteen.

Marxuumka ayaa ku naafoobay rasaas ku dhacday 2018, taasoo ahayd mid isku day dil uu ka badbaaday, balse uu ka bogsaday, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Cabdi Maxamed. Goobjooge ayaa sheegay in kooxdii ka dambeysay dilka Mukhtaar Shariif Jiis ay goobta isaga baxsadeen.

Ilaa iyo had majirto cid sheegatay Mas'uuliyadda dilka, hase yeeshee waxaa xusid mudan in dilalka noocaan ah ay fuliso Kooxda Alshabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.