Dil iyo Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (Keydmedia) - Kooxo hubeysan ayaa wax ay Xalay Wiiil Dhalinyaro aha ku dileen Gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ay Xalay Fiidkii ay ku toogteen Degmada Wardhigley ee Gobolka Banadir, gaar ahaan Xaafadda Geed jaceyl Will magaciisa lagu sheegay Max’ed Qaliif kana mid ahaa dad degaankaasi.

Lamana oga illaa hadda Sababta keentay Dilka Wiilkan Dhalinyarada, hase ahaatee waxaa durbadiba Goobta ka baxsaday Kooxihii fuliyay Falkaasi,iyadoo Ciidamada dowladda KMG gaar ahaan kuwa Maamulka Degmada ay halkaasi ka agdhowaayeen.

Goobta uu xalay dilka ka dhacay ee Xafadda Geed jaceyl ayaa Subaxnimadii Saakay waxaa gaaray Ciidamada Booliska ee Degmada Wardhigley, waxaana ay wadaan Baritaano ay ku baadi goobayan Kooxihii dilka geeestay mana jirto Cid loo soo qabtay Dilkaasi.

Dhinaca kale waxaa Xalay Isgoyska Degmadda Howlwadaag laga maqalay ilaa 3-Qarax oo aan la ogeyn cida ka dambeysay hase  ahateen waxa ay  Wararka qaar ay sheegayaan in Qaraxyada lala eegenayay Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG oo goobta ku sugan.

Illaa iyo hadana lama oga Khasaaraha rasmiga ah ay Qaraxyadaasi geesteen.

Inta badan waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca Dilal iyo Qaraxyo qorsheysan, kuwaasi oo geesta Khasaarooyin kala duwan oo soo gaara dadka rayidka ah iyo Ciidamada ku sugan Magaalada.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.