Dil ka dhacay Laas-Caanood

LAASCAANO(KEYDMEDIA)Kooxa hubeysan oo aan magacyadooda la aqoonsan ayaa xalay toogasho waxa ay ku dileen taliyihii ciidamada wadooyinka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobalka Sool.
Warar Keydmedia Online

Taliyaha la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Max’ed Xaaji Ibraahim waxaana isagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday.

Dilkan ayaa ah kii seddexaad ee mudo ku siman 2 bilood ka dhaca Laascaano iyadoona hore halkaasi loogu dilay xubno uu ka tirsanaa taliyihii ciidamada Sirdoonka deegaankaasi kaasoo la toogtay bishii Marso ee tagtay.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro wax ka qabashada arimahaasi amniga lidiga ku ah laakiin ma muuqato wali talaaba wax qabad oo arintaasi ku saleysan.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.