Dil ka dhacay Waqooyga galkacyo iyo dad la xirxiray

GALKACYO(KEYDMEDIA) Waxaa xalay dhanka Waqooyi ee magaalada Galkacyo dil loogu geestay xubin ka tirsaneed wakiilada maamulka C.raxmaan Faroole ee dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo.
Warar Keydmedia Online

Dilka ayaa loo geestay xeer ilaaliyihii maxkamada Waqooyga Galkacyo ee maamulka Faroole C.qaadir Jaamac Nugaal waxaana dilka fuliyay seddex nin oo dhalinyara ah kuwaasoo magacyadooda aan la aqoonsan.

Kadib markii uu dhacay dilka isla markaana ay goobta ka baxsadeen dadkii falkaasi fuliyay ayaa  ciidamada Faroole waxa ay goobta ka bilaabeen howl gal ay dad rayid ah ku xirxireen, waxaana ay xabsiga u taxaabeen dad kale duwan

Mudadanba waxaa cirka isku soo shareerayay amni darada waqooyga Galkacyo ka jirta, waxaana maalma ka hor halkaasi qarax lagula beegsaday wakiilkii guud ee gobalka mudug ee maamulka Faroole Axmed Cali salaad.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.