Dilal Muqdisho ka dhacay iyo cabasho ka soo yeereysa shacabka

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya, dilalka joogtada noqday ee ku soo batay gudaha caasimadda, iyadoo saacadihii ugu danbeeyey ay magaalada ka dhaceen dilal qorsheysan.

Warar Keydmedia Online
Dilal Muqdisho ka dhacay iyo cabasho ka soo yeereysa shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wal wal aad u fara badan ayey daris la noqdeen shacabka ku nool magaalada caasimadda ee Muqdisho, waxaana xalay gudaha caasimadda ka dhacay dilal kala duwan.

Falka dilka koowaad ayaa ka dhacay isgoyska Tarbuunka, iyadoo lagu dilay askari ka tirsan Ciidamada Gor-Gor, kaas oo ay qaarajiyeen dabley bistoolado ku hubeysan xilli uu ku sii jeeday gurigiisa.

Kooxihii dika gaystay ayaa baxsaday, waxaana meydka askariga la geeyey xarunta danbi baarista ee CID, iyadoo howlgallo ay ciidamadu sameeyeen aan cidna lagu soo qaban.

Dilka labaad ayaa ka dhacay xaafada Xoosh ee degmada Dharkenleey, waxaana lagu dilay wiil dhalinyaro ah, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday toorreey.

Kooxdii dilkaas fulisay, ayaa ahayd burcad dooneysay in ay wiilka ka dhacaan taleefankiisa gacanta, waxaana markii uu amarkooda ka dhaga adeegay kadib, ay toorreey kaga dhufteen wadnaha, iyagoo kadibna ka qaatay taleefankiisii.

Wiilka dhalinyarada ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Khaalid Cabdixamiin Macalin, iyadoo ay baxsadeen burcadii dishay, waxaana maanta lagu waddaa in lagu aaso qabuuraha Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Dilalka soo kordhaya ayaa abuuray walaac, waxaana bulshada qeybaheeda kala duwan oo warbaahinta la hadlay, ay dowladda ka dalbadeen in ay jawaab rasmi ah ka bixiso, xaaladda amni ee sii xumaaneysa.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.