Dilalka bareerka ah oo ku badanaya Muqdisho

Amni darrada caasimadda ayaa xoogeysaneysa, xilli ay kordhayaan dilalka bareerka ah.

Warar Keydmedia Online
Dilalka bareerka ah oo ku badanaya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Kooxo ku hubeysan bistoolado, ayaa galabta degmada Deyniile ku dilay, nin ka mid ahaa maamulka degmada.

Ninka dhallinyarada ah, ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay, Dalmar Xuseen Gacal, wuxuuna la shaqeynayey maamulka degmada Dayniile oo ku tirsanaa.

Kooxihii marxuumka dilka u geystay, oo ay tiradoodu ayaa sida caadada ahayd, ka baxsaday halkii ay ku dileen Dalmar.

Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Deyniile oo goobta gaaray, ayaa iminka wada howl gallo lagu xaqiijinayo amniga, laguna baadigoobayo gacan ku dhiiglayaasha, halka marxuumka meydkiisa la geeyey hay'ada denbi baarista ee CID.

Falkan dilka ah ayaa qeyb ka ah amni darrada baaheysa ee ka jirta caasimadda Muqdisho, taas oo ilaa iyo iminka aan waxba laga qaban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.