Dilalka Saraakiisha oo kusoo kordhay Beledweyne

17-kii bishii February ee lasoo dhaafey, Ciidanka Haramcad ayaa ku dilay Saldhiga Beledweyne Taliyihii Booliska Baledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) xili uu socday Iska hor-imaad.

Warar Keydmedia Online
Dilalka Saraakiisha oo kusoo kordhay Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa Xalay lagu dilay Xaafadda Howlwadaag ee magaaladda Beledweyne Laba Xidigle Axmed Xasan Biriq, oo kamid ahaa Saraakiisha booliska M/HirShabeelle.

Labo dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay dileen Sarkaalka, kuwaasoo markii dambe Ciidanka ay toogasho ku dileen xili ay isku dayayeen inay baxsadaan.

Tan iyo markii Guudlaawe uu tagey magaaladda bishii hore, waxaa Beledweyne kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee ka dhan ah Saraakiisha iyo Odayaasha dhaqanka xili doorasho socoto.

17-kii bishii February ee lasoo dhaafey, Ciidanka Haramcad ayaa ku dilay Saldhiga Beledweyne Taliyihii Booliska Baledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) xili uu socday Iska hor-imaad.

Dilalka ayaa la sheegay inay isagu jiraan kuwa Al-Shabaab fuliso iyo kuwa siyaasadeysan, maadaama magaaladda colaado badan ka dhaceen, oo qabaa'il aan heshiis ahayna ku hubeysan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.