Dilalka Soomaalida Koonfur Afrika oo joogto noqday

Dilalka dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika ayaa kordhaya, mana jirto cid isu taagtay wax ka qabashada arrintaasi.

Warar Keydmedia Online
Dilalka Soomaalida Koonfur Afrika oo joogto noqday

CAPE TOWN, Koonfur Afrika- Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno dalka Koonfur Afrika, waxaa saacadihii ugu danbeeyey gudaha dalkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, oo ku ganacsanayey Cape Town.

Muwaadinkan oo magaciisa lagu sheegay
Cabdi Sheekh Maxamed, ayaa xilligii la dilayey miis yar ku iibinayey rooti, dilkiisana waxaa loo adeegsaday rasaas.

Kooxdii burcada ahayd ee dilka u gaysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goor dhaw lagu wadaa in meydkisa lagu aaso magaalada Cape Town.

Booliska Koonfur Afrika ayaa yimid halka uu dilku ka dhacay, iyagoo sameeyey howlgallo aan cidna lagu soo qaban.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa aad uga canabaya dilalka lagu hayo, waana kuwo sheegaya in maalinba maalinta ka danbeyso ay xooggeysaneyso khatarta ay wajahayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.