“Dilka Ikraan wuxuu caddeyn u yahay wadashaqaynta NISA iyo Al-Shabaab”

Wax aan suurta-gal ahayn ayuu C/raxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay hadalka NISA, ee ah Al-Shabaab ayaa dishay Ikraan.

Warar Keydmedia Online
“Dilka Ikraan wuxuu caddeyn u yahay wadashaqaynta NISA iyo Al-Shabaab”

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir, ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan Cabdishakuur ayaa si adag uga hadlay hadal lala yaabey oo kasoo yeeray NISA galabta, kaasoo sheegaya in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil Faarax.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu CC Warsame ku sheegay inaysan suurta-gal ahayn in Gabar la weysanayaa mudo ku dhaw saddex bilood dilkeeda dusha laga saaro Al-Shabaab.

Wuxuu Musharaxa sheegay in NISA iyo Al-Shabaab wadashaqeyn ka dhaxeyso mar hadii Sarkaal katirsan hay'adda Nabad Sugida gudaha xarunteeda laga afduubayo, oo loo wareejinayo Al-Shabaab.

CC Warsame ayaa xusay in aysan jirin cid ka badbaadi karta Fahad Yaasiin, maadaama qof kasta oo dowladda katirsan u gudbin karo Al-Shabaab, si loo dilo.

"Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado," ayuu yiri Musharaxa.

Waxaa kaloo wax laga xumaado ku tilmaamay in kiiska miisaankaas leh ee dilka Ikraan lagu sheego qoraal Facebook, iyadoo aan jirin mas'uul katirsan dowladda oo ka hadlay.

Rooble ayaa lagula taliyay inuu kiiskan soo farageliyo, oo kala hadlay qoyskeeda, islamarkaana uu siiyo jawaab lagu qanci karo, islamarkaana u xilsaaro baaritaankiisa gudi qubaro ah, oo madaxbanaan.

"Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo," ayuu hadalkiisa raaciyay CC Warsame.

Ikraan oo ahayd 25 jir ayaa tan iyo 2017 u shaqeynaysay NISA< waxayna u qaabilsanayd amaanka Internet-ka [Cyber security], waxaana la sheegay inay hayso xog xasaasi ah oo la xiriirta dhalinyaradii loo wadey Eritrea, ee aan dib usoo laaban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.