Dilka Xildhibaan Aamina oo lagu eedeeyay Fahad iyo Farmaajo

Kadib khaarijinta Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, waxaa soo baxaya eedo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin la xariirinaya dilka xildhibaannada.

Warar Keydmedia Online
Dilka Xildhibaan Aamina oo lagu eedeeyay Fahad iyo Farmaajo

BALADWEYNE, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ku eedeeyay in ay musuul ka yihiin dilka AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Madaxweyne Waare, wuxuu is weydiiyay sababta shaqsiyaadka ka aragtida duwan kooxda waqtigu ka dhamaaday ay Al-Shabaab u bartilmaameed-sadaan,  wuxuuna ka soo hor jeestay wararka sheegaya in Aamno ku baxday gacanta Al-qacida.

“Kani waa dil ay fulisay madaxtooyada Soomaaliya”, ayuu yiri, Waare, taasoo uu ula jeedo, in Farmaajo iyo Fahad, maleegeen dilka Aamino, oo ahayd qofkii waqtiga ugu badan galiyay in ay caddaalad helaan qoyska Ikraan Tahliil, caawa loogu geystay Baladweyne.

Dhanka kale, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Cumar Dhagey, ayaa sidoo kale, dilka Aamino, la xariiriyay kiiska Ikraan Tahliil, kaas oo yiri, “Waxaan tuhunsanahay in Xildhibaan Aamino dilkeeda lala xiriirin karo kiiskii Ikraan iyo dadkii lagu eedeeyay”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in dilka Aaamino, uu sii xoojinaayo tuhunka ah, in weerarrada argagexiso aysan Al-Shabaab ku ekeyn ee ugu yaraan loo fududeeyey, wuuxuna ku baaqay in masuuliyadda amniga laga saarayo gacanta kuwa argagexisada la shaqaynaya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Rooble, ayaa dhankiisa faray hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay AUN, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaa hore loola xariiray dilka dad badan oo ka aragti duwanaa, [Shaki siyaasadeed] hayeeshee, beegsiga caawa lagu dilay Aamino, ayaa ah mid aan wax shaki ku jirin, in Madaxtooyada Soomaaliya wax ka ogeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.