Diyaarad ku bur-burtay Dhoobley

Diyaaraddaan oo sahay u sidday ciidamada Kenya ayaa xalay ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Dhoobley, waxaana ku geeriyooday duuliyihii diyaaradda. 

Warar Keydmedia Online
Diyaarad ku bur-burtay Dhoobley

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo sababay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu xalay ka dhacay gudaha garoonka degmadaas.

Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo sahay u sidday Ciidamada Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ku bur-burtay gudaha garoonka diyaaradaha kadibna dab uu qabsaday, siday dadka deegaanka xaqiijinayaan.

Ugu yaraan hal ruux oo duuliyihii diyaaradda ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday shilka diyaaradda, halka tiro kale oo aan la cayimin ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa qoraya in shilka diyaaraddaan uu sababay cilad ku timid diyaaradda, sida laga soo xigtay goob joogayaal ku suggan aagga shilka ka dhacay, walow aan faah-faahin intaas ka badan aan weli laga helin.

Waa diyaaraddii saddexaad ee laga leeyahay dalka Kenya oo sanadkaan gudihiisa shil ku gasho gudaha Soomaaliya, waxaana shilalkaan is daba jooga ah loo sababeynayaa wedista xirfada duuliyeyaasha diyaaradda iyo cillado kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.