Diyaarad ku dhacday Garoonka Ceel-Waaq

Diyaaradda dadkii saarnaa dhamaantooda way nabad qabaan, sida ay KON u xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Warar Keydmedia Online

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Diyaarad yar oo siday 45 qof ayaa ku dhacday saakay Garoonka diyaaradaha magaaladda Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegay in diyaaradda ay ka timid dhinac dalka Kenya, iyadoo rakaabka la socday ay dhamaantood ka badbaadeen shilka oo baaritaan lagu hayo sababta keentay.

Waxay saraakiishu sheegeen inay jirto cilad soo wajahday diyaaradda xiliga degitaanka, taasoo keentay inay ka baxdo runway-ga, oo garab ka burburto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.