Diyaarad Qatar ka timid oo xili habeen ah Muqdisho kasoo degtay

Garoonka Aadan Cadde xiliga Habeenkii waxaa kaliya kusoo dega diyaaradaha Military ee u socda AMISOM iyo Ciidanka Mareykanka, mana looga baran diyaaradaha kale ee rakaabka ka shaqeeya.

Warar Keydmedia Online
Diyaarad Qatar ka timid oo xili habeen ah Muqdisho kasoo degtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Qatar Airways ayaa kusoo degtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho xili dambe oo Habeen ah Todobaadkan, waxaana la socday Saraakiil Doha ka socday.

Xogaha Keydmedia Online helayso ayaa sheegaya in diyaaradda ay wadey waxyaabo aan la ogeyn, laakiin ay suurta-gal tahay inay tahay lacag dowladda Qatar ugu tala-gashay doorashadda Soomaaliya.

Maadaama habka Lacag dirista Bangiyadda la isticmaali karin, oo lacagtu tahay mid aad u badan, waxay doorbidey dowladda Qatar inay iyadoo Cash ah toos u geyso Muqdisho, kuna wareejiso Fahad Yaasiin.

Garoonka Aadan Cadde xiliga Habeenkii waxaa kaliya kusoo dega diyaaradaha Military ee u socda AMISOM iyo Ciidanka Mareykanka, mana looga baran diyaaradaha kale ee rakaabka ka shaqeeya.

Qatar waxay doonaysaa inay Farmaajo soo celiso, oo mar labaad hogaamiyo dalka Soomaaliya oo dano siyaasadeed iyo mid military ka leedahay, waxaana qorshaheeda u fulinaya wakiilkeeda Fahad Yaasiin.

Doorashadda Soomaaliya waxay ahayd 8-dii sano ee lasoo dhaafay mid ay ku loolamayeen Imaaraadka iyo Qatar, oo lacag ku bixiya inay soo saaraan Musharaxa ay wataan, taasoo dib u dhac ku ah Wadanka.

Way adagtahay Musharax aah taageero ka heysan mid kamid ah dalalka Khaliijka inuu kusoo baxo doorashadda Soomaaliya, oo noqotay mid aan shacabka gacanta ugu jirin, oo dalal shisheeye ay maamulaan.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, Qatar ayaa maamulaysay SIYAASADDA Soomaaliya, maadaama ay Farmaajo lacagtii lagu doortay ka bixisay February 8, 2017, waxayna ku guuleysatay inay Imaaraadka oo dagaal kala dhaxeeyay dalka ka saarto.

KEYDMEDIA ONLINE          

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.